Maalmahanews.com
Dowlada Suuriya oo sheegtay in ay Ogolaatay in Quburada Baaritaanada Sunta Kiimikada Howlahooda Ka Bilaaban Magaalada Douma
April 17, 2018 - Written by admin

Xukuumada Wadanka Ruuhka Mas,uuliyiin u Hadashay ayaa Shaaca Ka Qaaday in Loo Ogolaan Doono Koox Quburo ah in ay Baaritaano ku sameyaan Goobta iyo Qaabka uu u Dhacay Weerarkii Sunta Qatarta ahaa ee Ka Dhacay Magaalada Douma.

Baarayaal Caalami ah ayaa Maalmihii La soo Dhaafay Waxaa ay Ku sugnaayeen Gudaha Suuriya inkastoo aan Loo Ogolaan in ay Booqdaan Douma si ay Howlahooda Baarida ah ay Gudo Galaan.

Dowlada suuriya ayaa Lagu eedeyay Weerar kii Sunta Waxaana Ku dhintay ku dhowaad boqol ruux iyadoo dalalka mareykanka iyo yurub ay caambaareyeen talaabadaasi.

Dowladaha Mareykanka Uk iyo France ayaa ka Jawaab Celiyay Falkaasi Waxaa ayna Bilaabeen Duqeymo Ka Dhan ah Ciidamada Suuriya oo Ku sugan Saldhiga Ciidamada Cirka ee Dalka Suuriya Gaar ahaan Sheyrat.

Talaabada ay Qaateen Dalalka Reer Galbeedka ayaa Mugdi ku sii abuurtay Xiriirka aan Markii Horeba Wanaag sanayn ee Kala Dhaxeyay Dalka Ruushka oo si aan Ganbad Laheyn u Taagersan Maamulka Bishar Al Asad.

Lama Oga Halka ay Ku Danbeyn Doonto Xaalada Cakiran ee Dalka Suuriya iyadoo Dowlada suuriya ay sheegtay in 103 Gantaal ay Ka Qabatay Dalalka Weerarka Cirka ah ku soo Qaaday.

COMMENTS
Latest News