Maalmahanews.com
DHALLINYARADII REER SOMALILAND EE AFDUUBKA LOO HAYSTAY OO LAGU WAREEJINAAYO GACANTA MAAMULKA PUNTLAND
April 8, 2018 - Written by admin

 Maalimahanewss(Hargeysa):- Labadii Wiil ee dhallinyarada ahaa ee reer Somaliland ee toddobaadkan lagu Afduubtay Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhayaa waxa ay tibaaxayaan in galabta lagu soo wareejin doono maamulka gobolka Nugaal oo ay ka wada shaqeynayeen arrintani guddoomiyaha gobolka Togdheer dhawaana waxa la rejaynaa in dib loogu soo celiyo deegaankoodii. Dhallinyaradan ayaa sidoo kale galabta la filayaa in gacanta maamulka Puntland galabta lagu soo wareejin doono – Sida uu u xaqiijiyey Mohamed Said Yusuf oo ah weriye ka hawl gala deeganada Puntland.

Dhalliyaradaan ayaa la afduubay iyagoo doonayey in ay basaboor Soomaali  Garowe ka qaataan Waxaana dadka afduubay la sheegay in nin kaga xidhan yahay magalada Burco waxaana maalmihii la soo dhaafay sii dayntooda ku howlaan waxgaradka, odayaasha iyo maamulka Gobolka Nugaal.

COMMENTS
Latest News