Maalmahanews.com
Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Jawaari oo dalbaday inuu iscasilo Gudoomiyaha
April 7, 2018 - Written by admin

Mowqifka xidhibaanada mooshinka ka keenay Godoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli ku adkeysanaya mowqifkooda, iyagoo Godoomiye Jawaari ugu Baaqay in uu meel fog wax ka arko taa oo ay ula jeedaan inuu xilka iskaga dego.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa iyo Xildhibaan Axmed Dhimbil Casoowe ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha shacabka loo baahan yahay inuu si nabad ah isku casilo.

Waxa ay tilmaameen in loo baahan yahay isbadal dhanka guddoonka ah uu dhaco.

Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in aysan ka laaban doonin go’aankooda mooshinka inta isbadal uu kaga dhacayo guddoonka Golaha shacabka.

14-kii Bishii la soo  dhaaftay ayey aheyd markii qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka gudbiyeen Godoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyagoona ilaa haatan ku adkeysanaya inaan ka laaban doonin go’aankooda.

COMMENTS
Latest News