Maalmahanews.com
SOMALILAND: MALEESHIYO BEELEED WEERARRAY SALDHIG BOOLIS IYO KHASAARAHA KA DHASHAY WEERARKAASI
April 7, 2018 - Written by admin

Maalimahanews:-Askari Booliis ah iyo Afar Qof oo Shacab ah ayaa ku dhaawacmay Shaqaaqo Maanta ka dhacday Degmada War-idaad ee Gobolka Saraar.

Saddexda Qof ee Shacabka ah oo ka yimid Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, ayaa waxa dhaawacay Askar ka mid ah Booliiska Degmada War-idaad oo Rasaas ku furay, ka dib markii uu Is Af-dhaaf dhex maray iyagoo maraya Jidka Degmada War Idaad oo uu ku sugnaa Askarigu, waxaana markaasi ka dib Dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco, halka Askarigii dhaawaca geystayna loo dhaadhiciyey Saldhigga Booliiska ee Degmada Caynaba.

Laakiin, markaasi ka dib ayaa dablay hubaysan oo tiradooda lagu sheegay Afartan oo ay hoggaaminayeen Afar Nin oo Madax-dhaqameed ah isla-markaana ka yimid dhanka Degmada Gar-adag waxay Weerar ku qaadeen Saldhigga Booliiska ee degmada War-idaad, halkaana waxay ku dhaawaceen Hal Askari, iyagana waxa kaga dhaawacmay Hal Qof, sidaana waxa xaqiijiyey Maayarka Degmada War-idaad Cabdiqani Saleebaan oo u warramay Telefiishanka Eryal oo Himilomedia.com uu Warkan ka soo xigtay.

Maayarka Degmada War-idaad oo ka warramaya sida wax u dhaceen ayaa yidhi “Gaadhi ka mid yimid Gar-adag ayaa marka uu marayo War-idaad ayaa waxa Xabad ku riday Askari ilaalinayey, ka dib markii uu Gaadhigu galay Waddada oo dhismaheeda la wado, halkaas waxa ku dhaawacmay Dadkii la socday Gaadhiga (oo Saddex ahaa), Dadkii dhaawacmay waxa loo qaaday Burco, Askarigii dhaawaca geystayna waxa loo qaaday Caynaba, intaasi markay dhacday waxa Magaaladii yimid Lix Gaadhi oo ay la socdaan Niman dhallinyaro ah oo Qoryo sita, lana socdaan Afar Caaqil, waanu wada-hadalnay, waxaanu u sheegnay sidii falkaasi u dhacay, in Dadkii dhaawaca ahaa Burco loo qaaday, Askarigiina Caynaba lagu xidhay, wax hawl kale ah oo halkan (War-idaad) taallaana aanay jirin.”

Maayarka Degmada War-idaad oo la waydiiyey waxa ka jira in Dablayda ay Cuqaashu hoggaaminayeen weerarreen Saldhigga Booliiska Degmada War-idaad, ayaa ku jawaabay “Nimankaa Cuqaasha ah iyo Ninkaa Maayarka ah (Maayarka Gar-adag) Annagu wada-hadlayna oo leh dhibaatada joojiya, ayaa Nimankaa hubaysnaa ee la socday oo illaa Afartan ahaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigga Booliiska, waxay dhaawaceen Askari Boolis ah, Maleeshiyaduna mid bay iskaga dhaawaceen, Ninkaasi inuu nool yahay iyo inuu dhintay (ma ogin), laakiin iyagaa qaatay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in markaa ka dib ay dablaydu Magaalada ka baxeen, isla-markaana Xaaladda Degmadu caadi ku soo noqotay.

Xukuumadda iyo Maamulka Gobolka Saraar midna weli kama hadal shaqaaqadan khasaaruhu ka dhashay.

COMMENTS
Latest News