Maalmahanews.com
DAWLADDA KENYA OO HAWADA SARRE U DIREYSA DAYAX-GACMEEDKIIDEE UGU HOREEYEY
April 7, 2018 - Written by admin

Maalimahanews(Hargeysa):- Dawladda Kenya ayaa dhawaan dirsaneysa dayax gacmeedkii ugu horreeyay kaas oo sameyntiisa ay iska kaashadeen Jaamacaddaha Nairobi iyo Roma ee dalka Talyaaniga.

Dayax Gacmeedkan ayaa lagu soo bandhigay Gobolka Florida ee dalka Mareykanka 2dii bishan aynu ku jirno, halkaas oo laga dirayo waxaana ugu badan ee ay shaqadiisa noqoneysaa, Horumarinta Waxbarashada, Beeraha iyo Cilmi baarista.

Wasiiradda Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, ayaa madasha lagu soo bandhigay Dayax gacmeedkan ka sheegtay in arrintani ay billow u tahay horumarka dhinaca cirbixiyeennada ee dalka Kenya.

Xigasho: Mustaqbal Radio

Muuqaalka sawir muujinaya hawl wadeenada ka shaqeynaayey dayax-gacmeedka Kenya

Waxaa ay sheegtay in Kenya ay aad ugu riyaaqsantahay arrintan iyada oo u mahad celisay dawladdaha Mareykanka, Talyaaniga iyo Japan oo ka gacansiiyay sameynta Dayax Gacmeedka.

 

COMMENTS
Latest News