Maalmahanews.com
“MADAXWAYNE FARMAAJO WAA NIN JILLICSAN, AWOODNA MALAHA…” PRO CABDI ISMAACIIL SAMATAR
April 6, 2018 - Written by admin
“MADAXWAYNE FARMAAJO WAA NIN JILLICSAN, AWOODNA MALAHA…” PRO CABDI ISMAACIIL SAMATAR

Maalimahanews(USA):- Pro. Cabdi Ismaaciil Samartar oo kamid ah aqoon yahanka soomaaliada ayaa waxa laga weydiiyey khilaafka iyo is qabqabsiga muddooyinka danbe ka taagan baarlamaanka Soomaaliya. Pro. Cabdi Ismaaciil Samartar ugu horeynba waxa uu caddeeyey in baarlaamka Soomaaliya uuna ahayn mid u carbisan shaqada baarlamaan marka loo eego saacaddaha uu shaqeeyo.

 

Cabdi Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu caddeeyey in madaxtooyada Soomaaliya ay faro-gelin xun ku hayso arrimaha ka taagan baarlamaanka Soomaaliya. Madxwaynaha Soomaaliya ayuu Cabdi I Samatar ku eedeyey in aanu maanta ka shaqeynayn maslaxada hoggaanka dalka bal se uu noqday nin jilicsan oonan awoodna lahayn.

Halkan ka daawo muuqaalka Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar

 

COMMENTS
Latest News