Maalmahanews.com
SHIRKADA DP WORLD OO HESHIIS CUSUB LA GASHAY DAL KU YAALLA AFRICA OO AY DEKADDIISA LA WAREEGI DOONTO
March 26, 2018 - Written by admin

Maalimahanews: Shirkadda DP World ayaa heshiis la gashay xukuumadda Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo shalay, heshiiskaas oo ay ku maal-gelin doonto dekedda magaaladda Banana ee dalka DRC.

Heshiiska DP World iyo DRC ayaa muddadiisu tahay 30 sannadood, waxaana qiimaha heshiisku ku kacaya lacag dhan 350 milyan oo dollarka maraykanka ah, iyadoo shariikadda DP World ay yeelan doonto saami dhan %70, halka DRC ay yeelan doonto %30.
Heshiiska waxaa DRC u saxeexay raysal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka gaadiidka iyo isgaadhsiinta Jose Makila Sumanda, halka uu DP World u saxeexay madaxa shariikadda Suldaan Axmed Binu Sulaiman.
Heshiiska DP World la gashay Somaliland ayaa ka kharash badna, ka wakhti yar, isla markaana Saamiga Somaliland ayaa sidoo kale ka badna ka DRC.

COMMENTS
Latest News