Maalmahanews.com
Dawlada Turkiga Oo Sheegtay Inay Ciidamadeeda Kala Baxayso Magaalada Afrin Iyo Maraykanka Oo Walaac Soo Foodsaaray.
March 20, 2018 - Written by admin

20/03/2018-Hargeysa-(BON)-Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxayso magaalada ku taalla xadka Suuriya ee Afrin. Ciidamada Turkiga ayaa magaaladan la wareegay iyaga oo kaashanaya xoogag ka tirsan mucaradka.

Rai’sul wasaara ku xigeenka Turkiga , Bekir Bozdag, ayaa telefishinka qaranka dalkaasi u sheegay in maadama magaaladaasi laga saaray dagaalyahanada Kurdiyiinta lana soo afjaray khatartii xuduuda Turkiga ay imika halkaasi isaga bixi doonaan.

Waxa uu sheegay in magaalada Afrin ay ku wareejin doonaan waxa uu ugu yeeray dadkii lahaa.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya tillaabada ciidamada Turkiga ay sababtay qaxa kumannaan rayid ah.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajep Deyib Erdogan ayaa shaley ku goodiyey in ay ciidamadiisu isbalaarin ku sameyn doonaan goobaha kale ee jabhada Kurdishku ay kaga suganatahay dalka Suuriya, ka dib markii ay ka sareen degmada Afrin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ciidamada Turkigu bartil-maameed ka dhiganayaan magaalada Manbij iyo Ayn Carab oo sidoo kale loo yaqaan Kobani, iyo magaalooyinka kale oo ku teedsan xuduudka Turkiga ee bariga ka xiga wabiga Yufaretis.

Isbalaarin ay ciidamada Turkidu sameeyaan ayaa waxa ka dhalan kara colaad dhexmarta Turkiga iyo Mareykanka oo labaduba ka wada tirsan isbahaysiga NATO. Magaalooyinka xuduudka ah ayaa waxaa maamula jabhada Kurdida Suuriya ee ay Mareykanku taageeraan, iyadoo ciidamao Mareykan ahna ay ku suganyihiin Manbij.

COMMENTS
Latest News