Maalmahanews.com
DAWLADDA ITOOBIYA OO EEDAYMO UJEEDISAY DALKA AY DERISKA YIHIIN ERITREA
March 19, 2018 - Written by admin

Dawladda Itoobiya ayaa ku eedaysay Dalka Ay Deriska Yihiin, Hasayeeshee Ay Colaadu ka dhaxayso ee Eritrea in ay waddo nabad galyo xumo ay damacsan tahay in ay ka geysato gudaha wadanka Itoobiya.

Itoobiya waxa ay ku doodaysaa in Eritrea iyada oo ka faa’iidaysanaysa Xaalada degdeg ah ee uu ku jiro dalkaasi in ay soo hubaysanayso kooxo gaar ah, kuwaas oo fadqalalo ka dhex samaynaya gudaha wadankaasi.
In kasta oo dagaal dhiig badani uu ku daadatay uu dhex maray Xukuumadaha Asmara and Addis Ababa, kaas oo ka danbeeyay muran dhinaca xuduudaha ah, hadana xukuumadda wadanka Itoobiya ayaa dhawaan qabqabatay hub si qarsoodi ah looga soo talaabinayay dhinaca Dalka Eritrea, kaas oo la damacsanaa in lagu isticmaalaha gudaha Dalka Itoobiya.
Warkan oo laga baahiyay Telefishanka ay xukuumadda Wadanka Itoobiya ayaa intaas waxa u ku darayaa in dawlada Ethiopia ay eedihii ugu cuslaa u jeedisay Xukuumadda Asmara.

COMMENTS
Latest News