Maalmahanews.com
Dawlada Qatar ayaa ku dhawaaqday in aduun lacageed oo gaadhaya $50 million ay siin doonto dadka reer Falastiin.
March 19, 2018 - Written by admin

Maalimahanews:- Dawlada Qatar ayaa ku dhawaaqday in aduun lacageed oo gaadhaya $50 million ay siin doonto dadka reer Falastiin.

Lacagtan ayaa waxa loo sii marin doonaa United Nations Relief and Works Agency for Palestine Refugees (UNRWA), waxaana wax loogu qaban doonaa dadka dhiban ee ku nool wadanka Falastiin.
Wakiiladda Wadanka Qadar u jooga dalka Talyaaniga ayaa dhaqaalahaasi ku yaboohay mar ay magaaladda Roma Kaga qayb galayeen kulan halkaasi ka dhacayay.
shirkan oo ay soo qaban qaabisay UNRWA ayaa waxa ka qayb galayay in ka badan 90 wadan, waxaana inta badan diirada lagu saaray arrinta dadka reer falastiin.
waxa halkaasi lagu uruuriyay dhaqaale la siin doono dadka reer falastiin, waxaana ku yaboohay wadamadii ka soo qayb galay kulankaasi.

COMMENTS
Latest News