Maalmahanews.com
Agaasime Ku Xigeenkii Hore Ee Hay’ada Sirdoonka Maraykanka Ee FBI Oo Soo Bandhigay Warqad Sira
March 18, 2018 - Written by admin

 

18/03/2018-London-(Maalimaha)-Agaasime ku xigeenkii hore ee laanta dembi barista FBI-da Mareykanka, Andrew McCabe ayaa soo bandhigay warqad sir ah oo ku saabsan wadahadal dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Donald Trump, taaso ku saabsan faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka dhacday Mareykanka sannadkii 2016-ka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warantay in warqadani sirta ah ay sii xoojin karto wararka sheegaya in madaxweyne Truymp uu baal maray sharciga.

Mr McCabe ayaa shaqada FBI-da laga eryay maalintii jimcaha, waxaana madaxweyne Donald Trump uu ku eedeyay ninkani inuu dhinac u janjeero.

Baaritaanada ku aadan faragelinta Ruushka ayaa waxaa hogaaminaya Robert Mueller oo horay uga tirsanaa FBI-da, waxaana ilaa iyo imika uu xusay 19 qof oo la rumeesanyahay inay ku lug leeyihiin eedeymaha ka dhanka ah Ruushka.

COMMENTS
Latest News