Maalmahanews.com
Dalka Ruushka Oo Eedeyn Culus Loo Soo Jeediyay Iyo Sababta.
December 30, 2017 - Written by admin

indexMoscow-(Maalimahanews)-Dowlada Ruushka ayaa lagu eedeeyay in Maraakiib shidaal waday u dirtay dalka Kuuriyda Waqooyi oo saaran cunaqabateyn dhinaco kala duwan leh.

Maraakiib ay leedahay dowlada Ruushka ayaa la sheegay in dhawaan shidaal badan geeyeen Kuuriyada Waqooyi, waxaana warkan Wakaalada Wararka Reuters u xaqiijiyay ilo wareedo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa la bilaabayaa baaritaano la doonayo in lagu ogaado warkan ku aadan in dowlada Ruushka jabisay cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi ayna dalkaasi geysay shidaal badan.

Milkiilaha midka mid ah maraakiibta Ruushka laga leeyahay ee lagu eedeeyay inuu shidaal geeeyay dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa warkaasi beeniyay, waxa uuna ku tilmaamay war la been abuuray.

Dowlada Ruushka ayaa hada ku eedeesan in ay iska indho tirtay cunaqabteynta saaran Kuuriyada Waqooyi ayna jabisay go’aankii golaha Amaanka Qaramada Midoobay cunaqabateynta caalamiga ah dalkaasi ku saartay.

 

COMMENTS
Latest News