Maalmahanews.com
Booliska Talyaaniga oo xiray muwaadin Somaliyed oo Burcad badeednimo lagu eedeeyay
August 14, 2017 - Written by admin

Ciidamada Booliska dalka Talyaaniga ayaa xiray muwaadin Somaliyed oo ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaan jiray Kooxaha burcad badeeda Somalida.

Booliska waxa ay sheegeen in ninkaasi oo ka mid ah qaxootiga soo galay dalka Talyaaniga in la xiray kadib markii uu magangeliyo soo waydiistay Waaxda Qaxootiga dalka Talyaaniga.

Magaca ninka la xiray ayaa lagu sheegay Maxamed Faarax oo da’diiso tahay 24 sano jir, waxaana uu ku sugnaa markii la xiraayay magaalada Calarabinieri.

Waaxda dambi baarista dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in Maxamed Faarax oo ka mid ahaa Kooxihii Burcad badeeda ee sanadkii 2011-kii Afduubtay Markab siday Shidaal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Markabkaasi ayaa laga qaaday Madaxfurasho, waxaana qaar ka mid ah Shaqaalihii saarnaa Markabkaasi loo geystay Jirdil.

Dowladda Talyaaniga waxa ay sheegtay in ninkaasi oo ka mid ahaa dadka sida aadka ah loo raadinaayay.

COMMENTS
Latest News