Maalmahanews.com
Safiirka Cusub ee ay Ethiopia u soo Magacawday Jamhuuriyada Somaliland Shamsudiin Axmed Rooble..
December 15, 2018 - Written by admin

Si kasta oo ay Farmaajo iyo kooxdiisa Somaliya ay uga shaqeeyeen hagardaamada Somaliland iyo Ethiopia laga soo xidhay Somaliland ayaa hadana kumay guulaysan.

Hadaladaa madhalayska ah ee Farmaajo ku hawlana beryahan waxay isugu soo biyo shubteen wax aanay dheg u dhigin Prime minister Abiye iyo Xukuumadiisu.

Maantaba cadawga Somaliland ha gar waaqsadaan in Ethiopia ay danteedu ku jirto xidhiidhka Somaliland haday tahay mid Ganacsi, Mid dhaqan dhaqaale, iyo Mid Bulshaba..

Waxay Ethiopia u soo magacowday safiir ka meeqaam sareeya kuwii horre ee Jamhuuriyadda Somaliland loo soo magacaabi jirey kaas oo ah diblomaasi heer sare ah waxaanu safiir ka soo noqday Dalka Kenya iyo Dalka Jabouti, Wuxuuna ahaa xubin Barlamaan, Wasiir ku xigeen horrena ka soo noqday halka ay awel Generaalo ciidam u soo magacaabi jirtay..

Ethiopia danta ay wakhti xaadirkan Somaliland ka leedahay ayaa ka wayn ta ay Somaliya ka leedahay, Lakiin se Farmaajo iyo kooxdiisa u dulaysan xiqdiga iyo nolol u quudhi waaga Jamhuuriyada Somaliland way ku ciirtay adhax jabna way ku noqotay iyagoo aamin sanaa in Ethiopia ay wax walba ka qaadanayso waxaanayse hoostaba ka xariiqin xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada Dal.

Suleyman M.Sugaal.

COMMENTS
Latest News