Maalmahanews.com
MAGACYADDA WASIIRO KA TIRSANAA XUKUUMADDII SIILAANYO OO ISKU DAYAY INAY MADAXTOOYADDA KA LADQABEEYAAN BOQOR BUURMADAW IYO MADAXWEYNE BIIXI OO GANAFKA KU DHUFTAY.
April 29, 2018 - Written by admin

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dib udejinta Somaliland Cali Siciid Raygal iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa habeenimadii ka horaysay Aroortii ay Maxkamada Gobolka Hargeysi xukunka ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow waxa ay sameeyeen dhaq dhaqaaq xoogan oo ay kaga hortagayaan Xukunkaasi balse sida la sheegay waa ay ku hungoobeen.

Illo-Wareedyo u dhuun daloola Masuuliyiintaasi ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay in labadaasi masuul iyo ergo kale oo Culusi ay isku dayeen inay baajiyaan Xukunkaasi balse sida lanoo xaqiijiyay dadaalkaasi ay sameeyeen Masuuliyiintaasi waxa uu ku dambeeyay hal bacaad lagu lisay kadib markii dheg jalaq loo siin waayay islamarkaana ay waayeen cid ay si toos ah ugala hadlaan arinta Xadhiga Buur Madow. Sida ay Warbixintani nagu soo gaadhay habeenimadii Boqor Buurmadow loo sheegay in Bari Maxkamada laga rabo ayaa waxa uu sameeyay dhaq dhaqaaq,waxaana uu Xidhiidh la sameeyay cid kasta oo ay gacan saar lahaayeen si ay wax ugala qabtaan arintaasi,balse waa ay suurtagali wayday.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dib udejinta Cali Siciid Raygal iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka wada tirsanaa Xukuumaddii Hore ee Siilaanyo ayaa sida lanoo xaqiijiyay,waxa ay si gaar ah iskugu dayeen inay Madaxtooyadda ka kala hadlaan Xadhigaasi oo xukunka la yara baajiyo balse waxa lagu qanciyay inay arintaasi gaar u tahay garsoorka dalka iyo Hay’addaha Baadhista Dambiyadda, wixii halkaasi uga soo baxana uu dambarkeeda leeyahay Boqor Cismaan Buurmadow oo aanay meeshaba oolin wax kale oo meesha laga raadiyaa,iyadoo sida la sheegay ay masuuliyiintaasi aad uga Xumaadeen qaabka iyo hannaanka loo maray Xadhigaasi iyo sida aan loo siin wax tixgalin ah codsigooda maadaama oo ay Xukuumaddan Muuse Door wayn ku lahaayeen Dhismaheeda islamarkaana ay kaba mid yihiin.

Foore

COMMENTS
Latest News