Maalmahanews.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddida qandaraasyada qaranka ee uu dhawaan magacaabay.
April 29, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddida qandaraasyada qaranka ee uu dhawaan magacaabay.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska madaxweynaha, ayaa ahaa mid uu madaxweynuhu xubnaha guddida ku dhiirrigelinayey inay hawlahooda shaqo gudo-galaan, isla markaana dardargeliyaan shaqada adag ee ay qaranka u qaabilsan yihiin, isaga oo hawlaha ay xubnahani qaranka ugu igman yihiinna ku tilmaamay kuwo laf-dhabar u ah habsami-u-socodka, iyo daah-furnaanta hannaanka wax iibsi ee hay’adaha kala duwan ee qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha guddida qandaraasyada qaranka ku adkeeyey inay firfircoooni iyo dardar cusub ku ibo furaan hawlaha adag ee sugaya, islamarkaana baylah tiraan dhammaanba shaqooyinka horyaalla, una dhabar adaygaan caqabadaha ka hor iman doona, waxana uu u ballan qaaday inuu madaxweyne ahaan diyaar ula yahay wixii taageero ah ee ay dhinaciisa uga baahdaan.

Dhinacooda xubnaha guddida qandaraasyada qaranku, waxa ay madaxweynaha uga mahadceliyeen magacaabistooda, waxana ay ballan qaadeen inay hannaan hufan oo caddaalad iyo sinnaani bud-dhig u tahay u gudan doonaan waajibaadkooda shaqo, iyaga oo madaxweynaha hortiisa ka ballan qaaday in ay si hagar la’aan ah u oofin doonaan awaamiirta madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
Latest News