Maalmahanews.com
Hub laga xaday xerada General Gordon oo suuqyada Muqdisho lagu iibinayo.
April 26, 2018 - Written by Maxamed Sulayman

Magaalada Muqdisho waxaa lagu kala iibsanayaa Hub dhawaan lagala baxay Xero ku taalla Degmada Hodon oo ay dhawaan ka guureen Tababarayaal u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta.

Tirada Hubkan ayaa lagu sheegay 600  oo qori kuwaas oo u badan nooca AK 47,waxaa ay ka koobanyihiin noocyada ay sameeyaan Dalalka Ruushka iyo China.

Saddex Qof oo ka mid ah Dadka iibsaday Hubkaas ayaa wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in Hubka ay ka iibsadeen Ciidamada ay tababartay Imaaraadka Carabta ee dhawaan lagala wareegay Saldhigga Jeneraal Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Dalka Imaaraadka waxaa uu Ciidamada dowladda Federaalka ah tababarayay tan iyo 2014kii,waxaana markii Sanadkan uu xumaaday xiriirka labada dal dowladda Imaaraadka ay tababarayaasheeda iyo shaqaalaheeda gargaarkaba kala baxday magaalada Muqdisho.

Rob Malley, oo ah madaxa Hay’adda xasaradaha Caalamka ee loo soo gaabiyay ICG,waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka uusan midkoodna u muuqan in uu diyaar u yahay xal laga gaaro khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada Dal.

Reuters waxaa ay sheegtay in iibinta hubka ay fududeynayaan Ganacsato iyo dullaaley,waxaana ay intaas ku dartay in xadidda Hubka ay billaabatay kaddib markii Tababarayaashii Imaaraadka ay isaga baxeen Xeradii ay Ciidamada ku tababarayeen.

Cali Jaamac waxaa uu ka midyahay dadka hubkaas iibsaday,waxaa uu Reuters u sheegay in Qorigiiba ay kala baxeen $700 iyada oo qiimahiisa saxda ah ee hadda uu gaarayo $1,350,waxaa uu xusay in 600,ilaa 700 oo Qori ay ku jiraan Magaalada islamarkaana suuq madow lagu kala iibsanayo.

Isniintii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday Xerada,waxaa ay ka saareen Ciidamadii ay tababareen Imaaraadka ,kuwaas oo iyaga oo hubkooda wata lagu arkay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Ciidamada Danab oo laga keenay Garoonka Ciidanka Cirka ee Balli Doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa la dejiyay Xerada ay ka baxeen Imaaraadka.

http://www.mustaqbalradio.com/wp-content/uploads/2018/04/

https://www.hiiraan.com/images/2018/Apr/

A Somali Dealer holds a weapon looted from a former United Arab Emirates (UAE) military training camp during a Reuters interview in Mogadishu, Somalia April 25, 2018. Reuters/Feisal Omar

https://www.hiiraan.com/images/2018/Apr/

A Somali Dealer holds a weapon looted from a former United Arab Emirates (UAE) military training camp during a Reuters interview in Mogadishu, Somalia April 25, 2018. Reuters/Feisal Omar

A Somali Dealer holds a weapon looted from a former United Arab Emirates (UAE) military training camp during a Reuters interview in Mogadishu, Somalia April 25, 2018. Reuters/Feisal Omar

COMMENTS
Latest News