Maalmahanews.com
Cabdi Wali Gaas: Puntland waa ay gali kartaa heshiisyo caalami ah dowlada dhexena Muqdisho ayeey matashaa
April 26, 2018 - Written by Maxamed Sulayman

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo la hadlaayay Warbaahinta, isaga oo ku sugan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu sheegay Puntland inay heshiisyo caalami ah la geli karto dowladdaha caalamka.

Gaas wuxuu sheegay isaga oo soo qaatay qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland oo ka hadlayo heshiisyada Puntland ay la geli karto dowladdaha caalamka.

Waxa uu daboolka ka qaadey in awoodda dalka Soomaaliya oo dhan aysan ahayn mid ku arursan magaalada Muqdisho, waxaana uu yiri “Soomaaliya ma ahan Muqdisho…Muqdishana ma ahan Soomaaliya.”

Gaas ayaa ku bogaadiyay dowladda Imaaraadka kaalinteeda Soomaaliya, oo ka taageertay dhinac walba intii uu burburka ku jiray wadanka, isagoo carabka ku dhuftay in Imaaraadka yahay dalka ugu weyn ee maalgashiga ku sameeyay Soomaaliya.

Dowladda Somaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaafka dhanka diplumaasiyada ah, kaasi oo keenay in Imaaraadka ay joojiyan dhamaan howlihii ay ka wadeen Somaliya.

COMMENTS
Latest News