Maalmahanews.com
Hay’adda Sirdoonka Israel ee Musaad oo Malaysia ku dishay Injineer ka tirsanaa Ururka Xamaas oo
April 21, 2018 - Written by Maxamed Sulayman

Fadi al-Batash, waxaa uu ahaa Injineer u dhashay Falastiin kana tirsanaa Ururka Xamaas ee la dagaallama Israel,waxaa lagu dilay saaka Magaalada Kuala Lumpur ee xarunta dalka Malaysia.

Waxaa uu ahaa Injineer dhinaca tamarta ah,waxaa uu Malaysia ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay,Bare sare ayuu ka ahaa Jaamacad Gaar loo leeyahay sidoo kale waxaa uu ahaa Imaam Masaajid.

Labo Nin oo watay Baaskiil ayaa ku dhuftay 10 Xabadood isaga oo galayay Masaajidka sida ay sheegeen Booliska Malaysia.

Qoyska Ninkan iyo Garabka Milatari ee Xamaas ee loo yaqaan Islamic Jihaad ayaa sheegay in dilka Fadi al-Batash ay ka dambeysay Hay’adda Sirdoonka Israel ee Musaad.

Ururka Xamaas ayaa war uu soo saaray ku xaqiijiyay in uu Ninkan iyaga ka tirsanaa,waxaana uu sidoo kale ka mkd ahaa Ururro Islaami ah oo dhinaca samafalka ah oo uu ka mid yahay My Care.

Qoyska Fadi al-Batash,ayaa sheegay in Maalinta Axadda ee Berri ah oo qorsheynayay in uu u dhoofo Dalka Turkiga halkaas oo uu uga qeyb geli lahaa shirka Cilmiga Tamarta oo ka dhacaya Dalka Turkiga

COMMENTS
Latest News