Maalmahanews.com
Digniinta uu Wasiirka Biyuhu u Diray Gaadiidlayda Booyaduhu waa Farriin Lagu Diirsaday
April 12, 2018 - Written by admin

  
Wasiirka Biyaha Somaliland

Markii uu waagu baryey ee aan soo toosay aroornimadaas ayey indhahaygu halacsadeen war farxad leh oo lagu daabacay dusha sare ee bogga ugu horeeya wargeyska la yidhaahdo Dawan,  caddadka tirsigiisii 33470, oo ku taariikhaysnaa, 9-kii- April-2018-kii,

Markii aan wada akhriyey warkii ku qornaa wargeyskaasi oo nuxurkiisu ahaa digniin loo diray gaadiidka booyadaha ee biyaha ka dhaamiya meelaha dooxyada ah ama biyo-fadhiisimaha ah aan caafimaadkoodu fiicnayn, ayaan yara showray, ka dibna, waxa aan jaleecay wiil dhallinyaro ah  oo ka qallin-jabiyey kulliyadda culuunta caafimaadka oo ku fadhiyey kursi hareertayda yaalay, waxaanan ku idhi; “Haddii aad xogogaal u noqon lahayd wax badan oo aan xogogaal u ahay ama aad akhiriyi lahayd warka lagu daabacay maanta wargeyska Dawan, sidaas umaad xiirateen ee waad murugoon lahayd.”

Run ahaantii, markasta oo aan arko dad badan oo uu ku dhacay xannuunka kansarka ama wax yeelo ka soo gaadhay hab-dhiska xididada Neerfaha, beer-xannuunka, dhicinta iyo dumar badan oo ka cabanaya hab-dhiska taranka oo daawo u doonanaya dalka dibadiisa, waxa aan xasuustaa  muddo haatan laga joogo afar sannadood ayaanu cabsi weyn ka qabnay inay soo qaadeen roobabkii da’ayey sunta hadhaadiga ah ee ku keydsaneyd xeradii la dagaalanka Ayaxa, soona  gaadheen dooxa caasimadda Hargeysa ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ka dib, markii aanu wargalinay, waxa ka hawlgalay Wasaaradda Beeraha oo kaashanaysay  Hay’adda FAO iyo Hay’adda Blacksmith in la soo mariyo mashruuc ay maalgalinaysay Midowga Yurub, kaasoo lagu rarayey, laguna nadiifinayey sunta hadhaadiga ah ee ku keydsan xerada sunta Ayaxa iyo in baadhitaano lagu sameeyo heerka ay gaadhsiisan tahay sunta ku jirta ciidda iyo biyaha dooxa Hargeysa.

Suntan cayayaan dillaha ee loo yaqaano Dichlorodiphenyltrichloroethane (DDT) ayaa ah mid qaabkeedu yahay dux u kala gooshi karta masaafad aad u dheer oo lakabka sare ee ciidda ah, taasoo khatar weyn ku keeni karta deegaanka, xoolaha iyo noolasha aadamaha, ayaan haba-yaraatee waxba ka fulin wax ka qabashadeeda.

Sannad ka dib, adhi badan ayaa ku sumoobay biyo ay siday booyad ka soo dhaamisay dooxa Hargeysa, ka dib markii la waraabiyey adhigaas, iyadoo ay halkaas ku bakhtiyeen adhi tiradoodu dhan tahay 116-neef oo iskugu jira riyo iyo ido, arrintaas oo ka dhacday degaan u dhow duleedka Halleeya ee bariga Hargeysa, taasoo waliba ay booyadaasi dhinaca kaga xardhaneyd qoraal ah “Lama cabbi karo biyahan, waxana loogu talogalay dhismayaasha oo qudha.”

Haddaba, maadaama assaasska kowaad ee nolosha aadamaha uu yahay biyaha, isla markaana boqolkiiba shan iyo sodon 35% ay hellaan cabitaanka biyaha qasabada ee nadiifta ah,  halka, boqolkiiba shan iyo lixdan 65% ay hellaan biyaha booyadaha ee laga soo dhaamiyo ceelasha Dararweyne qoysaska degan caasimadda Hargeysa, waxa aynu halis ugu jirnaa waxyeelada suntaas ama hadhaaga kimikalka warshadaha iyo saxarada lagu daadiyo dooxa Naasa-hablood haddii ay gaadhaan ceelashaas.

Run ahaantii waa mid lagu diirsaday dhawaaqan iyo baaqyada isdaba jooga ah ee xambaarsan naxariista ee ka soo yeedhaya mid ka mid ah Golaha Wasiirrada xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ah Wasiirka Horumarinta Biyaha Md. Saleebaan Cali Koore oo ah masuul leh waayo-aragnimo dheer oo ay ka muuqato indheer-garadnimo ay ku dheehan tahay xeel-dheer xil-kasnimo iyo xogogaalnimo uu u leeyahay hab-nololeedka degaanka bulshada reer Somaliland.

Wasiirku isagoo ka duulaya hiigsiga lagu gaadhayo himilada iyo siyaasadda lagu horumarinayo biyaha sidii ay u helilahaayeen biyo nadiif ah oo ku filan dhammaan bulshada reer Somaliland, ayuu ku dhiirigaliyey maalqabeenadu inay ka qaybqaataan dedaalada ay xukuumaddu ugu jirto sameynta biyo xidheeno iyo dhaamam lagu qabanayo biyaha roobka ee qulqulaya dooxyada xili-roobaadyada, kana faa’iideystaan, bulshadana ay ugaga faa’iideeyaan.

Waxa kaloo uu Wasiirka Horumarinta Biyuhu soo saaray baaq wareegto ah oo lagu ilaalinayo fayo-qabka ceelasha booyaduhu biyaha uga soo dhaamiyaan bulshada, maadaama ay jiraan booyado biyaha ka soo dhaamiya meelo aan   ku habbooneyn, taasoo xili-roobaadyada bulshada ku keeni kara dhibaato caafimaad-darro magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland,  halka uu sidoo kale digiin u diray booyadaha lagu qabto inay biyo ka soo dhaamiyeen meelo biyo-fadhiisimo ah oo aan saxadoodu fiicnayn.

Maxamed Faarax Qoti

COMMENTS
Latest News