Maalmahanews.com
Itoobiya oo dib loo soo celiyay adeegga internet-ka
April 6, 2018 - Written by admin

Dalka itobiya ayaa waxaa hareeyay dibadbaxyo ka dhan ah dowladda. 

( Maalimahanews) 06 April 2018:  Adeegga internetka-ka ee mobellada ayaa dib loogu soo celiyay meelo badan oo ka tirsan Itoobiya kadib dhwor bilood oo uu xirnaa.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeeysa iyadoo ra’salwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed uu balan qaaday in uu dalka isbedal badan uu ka sameeyni doono iyadoo sanadkii la soo dhaafay wadanka lagu soo rogay laba jeer amar deg-deg ah.

Inta badan goobaha ka baxsan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayaanan helein adeegga internet-ka ku dhowaad saddex bilood.

Gobolodaasi waxaa ka mid ah Oromiya, Amxaara iyo gobollada koonfurta kuwaasi oo ay ka jireen mudaaharaadyada ugu badan ee looga soo horjeeday dowladda ku dhowaad saddex sanadood.

BBC-da ayaa sidoo kale xaqiijisay in khadka internet-ka loo soo celiyay dhanka waqooyi ee gobolka Tigray-da iyo bariga Harar.

Inta badan shacabka ree Itoobiya ayaa khadka internet-ka ka isticmaala Mobeelladooda.

Weli ma cadda sababta markii hore loo xiray adeegga inernet-ka balse dowladda ayaa in muddo ahba ku eedeyneysay mucaaradka ku nool dalka dibeddiisa in ay hadallo nacayb ku saleysan ay soo marinayeen baraha bulshada sida Facebook, Twitter iyo WhatsApp.

Dowladda ayaa dhwor jeer oo hore xirtay khadka internet-ka iyadoo ka hortageysay in dibedbaxyada ka socoda gudaha wadanka aysan noqon kuwa shaac baxsan.

Khadka internet-ka iyo adeegga talefoonadaba waxaa maamusha shirkadda Telcom oo ay dowladda leedahay.

Inkastoo itoobiya ay ka mid tahay wadamada dhaqaalohooda sida dhakhsiyaha ah usoo koraya ayaa hadana adeeggeeda internet-ka uu aad u liitaa.

COMMENTS
Latest News