Maalmahanews.com
EHELADA SEYID MAXAMED C XASAN OO HARGEYSA SOO GAADHAY IYO BUUGGII WASIIR GURI-BARWAAQO OO AY MADAXWAYANAHA KALA HADLEEN
April 6, 2018 - Written by admin

Maalimahanews(Hargeysa):- Xubno kamid ah qoyska Seyid Maxamed Cabdalle Xasan oo maanta magaalada Hargeysa soo gaadhay waxay sheegeen in ay ka xumaadeen buug uu qorey wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland kaas oo maalmihii u danbeeyey warbaahintu hadal haysay.

Buuggan oo ay ku qoran tahay qeyb kamid ah sooyaalka Seyid Maxamed C Xasan ayaa ay sheegeen in aflagaado loogu geystay isla markaasina taariikhdiisa laga been sheegay.

Xubnaha qoyskanni waxay sheegeen sidoo kale in dhammaantooda (Qoyska Seyidka) ay dhawaan isku iman doonaan go’aana ka gaadhi doonaan buuggaasi iyo cidda qortay.

Wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Gur-barwaaqo oo muddo hore qorey isna buuggani oo maalmihii u danbeyey eedo uga imanayeen weli kama uusan hadlin.

Halkan ka daawo Muuqaalka warkaasi 

COMMENTS
Latest News