Maalmahanews.com
Dugsiyada  Nuuraadiin  Waa  Shamac Ka Dul  Ifaya,  Horumarka  Aqooneed ee   Bulshada  Reer Somaliland  
April 5, 2018 - Written by admin

 Dugsiyada  Nuuraadiin  Waa  Shamac Ka Dul  Ifaya,  Horumarka  Aqooneed ee   Bulshada  Reer Somaliland

 

( Maalimaha news )   05/04/2018 Dugsiyada, Nuradin,  Waa Shamac Ka Dul Baxaya,  Horumarka Ka socda, Geeska Africa Mana ah  Mid  Sacabo  Lagu Qarin Karo.  Waxaa  Dhawaanahan Soo ifbaxay, in Saxaafada Qaar ay ka Qoraan, Maqaalo  Lagu Waxyeelaynayo, Sumacada iyo Karaamada iyo Sharafta Maamulka Dugsiyada, Nuuradin   Mr, Mahad Ibraahin Mohamed, oo ah  Shaqsi, Tacab iyo Dedaal badan u horay, Sidii  uu u beeri lahaa  Beerta Aadmiga   28 Kii sano ee u danbeeyey.

Sidaad la socotaan Beerta Aadmiga oo ah  Ubadkeena yar yar ee soo koraya,  Barbaarintooda iyo Kor u qaadida Aqoontoodu Waa Mid anfacaysa Ayaaha danta dalka iyo dadka Mustaqbalkoodaba, Waana Waxaa u Sharaf badan ee lagu Tabco, uguna Faaido badan, Waayo,  Waxaa ku jira   Madaxwaynihii bari,  Wasiirkii bari   barlamaankii bari iyo inta  Wadankan xil inooga haysaaba Waa Halkii ay soo mareen.

Dedaalka  Mulkiilaha  Dugsiyadan Nuuradiin uu  Muujiyey,Labadii Qarni ee u danbeeyey, Waa mid ka Muuqda,  Mustaqbal iyo Aqoonta  Dhalintii kasoo aflaxday, Dugsiyada, Nuuraadiin,   Midhahoodana Waa la hayaa, oo   Maanta  inta   Aqoonyahan,  Shirkadaha iyo Dawlada u Shaqaysa  Haddii la Dulka Cabir lagu Sameeyo, Waa  Boqolkiiba  50%,  Waana  Midhihii iyo Guushii  Macalin  Mahad  Ibraahin  Mohamed.

Dugsiyada, Nuradin  Maaha kuwo  Looga baqayo, inay  Marnaba Ka  Hortimaado,   Nidaamka Wasaarada Waxbarashada, Waana  Hormoodka Aqoonta ee ay  Wasaaradu Talcliintu ku Faanto, Marka Dhinacyo badan laga Eego,

Nuradiin  Wuxuu   Soo Saaraa   Barayaasha,  Maanta Aqoonta leh ee  dalkeena Waxkadhiga,

Dhinaca  Manhajka  Waxbarashada,  Dugsiyada,  Nuuradiin   Wuxuu  Markii ugu  Horaysay,  Soo Daabacay,   Manhaj Waxbarasho,  Buugaag oo Tayo,  Aqoon Wanaagsan leh, isla markaana buuxiyey Gaabkii  Dawladeed ee jiray, isla markaana ay Dhamaan  bahwaynta Waxbarasho, Somaliland  ilaa Gobolada,  Waana  arin ay  Guud ahaan Wasaarada Waxbarashadu,  Ku Faanto, manaha, mid uu Qaranka Wax ugu Dhimaye, Waa   Karti  Aqoon Sharafeed    & geesinimo, uu la yimi    Mudana in lagu Sharaf lagu Siiyo,  inagama Mudna  Dacaayad iyo  Qoraalo been abuur ah iyo Shaqisyaad Danahoodii  Ka waaway ay Saxaafada u soo mariyaan.

Guud ahaan   Bulshada,  Ku Dhaqan  Geeska Africa, Ayaa usoo  Aqoon doonta, Beerta Waxbarasho, ee Dugsiyada  Nuradin,

Siyaasada  Dugsiyada  Nuuradin Waxaa Saldhig u ah  inuu ku Dhaqmo,  Siyaasada Wasaarada Waxbarashada, iyo Barbaarinta,  Waana mid  aan sacabada lagu Qarin Karin, isla markaana aan  Saxaafada lagu  Majarahabaabin Karin, iyadoo laga  doonayo, in  Bulshada   laga  siiyo Fikiro khaldan.

Sidaa Darteed  Bulshada Somaliland,  Maaha mid  Lagaga  Majaro  Habaabin Karo  Kaalinta ay Dugsiyada  Nuradin Ka Qaateen  Kobcinta iyo  Horumarinta  Aqoonta Bulshadeena  Guud ahaanba.

Qalinkii  Mohamed  Haldoor.  Hargaysa.

 

 

COMMENTS
Latest News