Maalmahanews.com
DAAWO: XEELADDII GUDDOOMIYE JAWAARI KU BAAJIYAY FADHIGII MAANTA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
April 5, 2018 - Written by admin

Maalimahanews(Muqdisho):- Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo ku soo baxay xiisada Baarlamaanka ayaa lagu waramayaa in ay xarunta Golaha Shacabka ka kaxeeyeen guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad.

 

Taliyaha AMISOM Paul Lokech ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan xarunta Amnigeeda inta xal buuxa laga gaadhayo Khilaafka Baarlamaanka. Waxaa uu sidoo kale xusay in Jawaari Amnigiisa ay ka mas’uul yihiin qeybna uu ka yahay waajibaadkooda inta uu xilka haayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo saaka tagay xarunta Baarlamaanka ayaa meesha ka saaray Ajandihii looga dooddi lahaa mooshinka isaga ka dhanka ah, kaddib markii uu fadhigu qabsoomi waayay.

Taliyeyaasha ciidamada Soomaaliya ayaa Jawaari ku eedeeyay in uu golaha ku qabsaday ciidamo u daacad ah oo ilaa amaan duulaha ciidanka Qaranka ka amar qaadan waayay

 

 

Xildhibaanno ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha in ciidamada isaga ka amar qaata xoog ku galeen xarunta golaha shacabka, islamarkaana diideen in ay gudaha loo galo xarunta.

Xarunta Villa Hargeysa uu degan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay Taliyaha ciidamada AMISOM Paul Lokech, waxa uuna Jawaari ka codsaday taliyah in amaankiisa la adkeeyo.

Taliyaha ciidamada AMISOM Paul Lokech ayaa xarunta Villa Hargeysa ka sheegay in waajibaadkooda shaqo ay qeyb ka tahay ilaalinta amaanka Gudoomiyaha Baralamaanka Soomaaliya maadaama uu wali xilka hayo.

COMMENTS
Latest News