Maalmahanews.com
Shabaab oo qaraxyo gaadiid iyo dagaal culus ku qaaday Saldhiga Amisom Buulo mareer
April 1, 2018 - Written by admin

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha weerar qaraxyo ku bilowday iyo dagaal toos ah ayaa lagu qaaday Saldhiga ciidamada Amisom ee Buulo mareer.

Gaadiidka qaraxyada loo adeegsaday ayaa kala ah gaari Dyna ah iyo gaari caasi ah oo laba nin oo Shabaab ka tirsan ay wadeen, kadibna waxaa xigay dagaal culus oo halkaasi ka bilowday.

Ciidamada Shabaab ayaa beegsaday Saldhiga Amisom, waxaana ka dhacay halkaasi dagaal culus oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidanka Amisom sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Buulo mareer.

Muxudiin Khaliif Caliyow oo ah ka mid ah masuuliyiinta Maamulka Degmada Buulo Mareer, ayaa sheegay dagaalka inuu ahaa mid culus, balse uu ka horeeyay laba qarax oo waaweyn, kuwaasi oo gaadiid loo adeegsaday.

“Gaari Dhayna ah iyo gaari caasi ah oo qaraxyo ay ka buuxaan, ayeey ku soo weerareen Saldhiga ciidamada Amisom ee Buulo mareer, kadibna waxaa xigay dagaal culus oo ay ku soo qaadeen Xerada ciidamada Amisom.” Ayuu yiri Muxudiin.

COMMENTS
Latest News