Maalmahanews.com
Kenya & Somaliya oo isku afgartay in la joojiyo dhismaha darbiga xuduuda kadib wada hadal dhexmaray
March 28, 2018 - Written by admin

Magaalada Mandhera ayaa wada adal hour hac ah waxa uu ku dhexmaray mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka, gaar ahaan maamulka Jubbaland iyo xubno ka socdey dowladda Kenya.

Ujeeddada  kulankaan ayaa ahaa in laga wada hadlo darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso degmada B/xaawo, in la qaboojiyo xiisadahii jiray iyo arrimo kale.

Wasiir ku xigeenka arrimahagudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in xubnaha ka socday Kenya ay aqbaleen in la joojiyo dhismaha darbiga inta ay iska arkayaan mas’uuliyiinta Labada dal.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in la isla fahmay in aan la bur burin guryaha ay dadka shacabka ah ku leeyihiin nawaaxiga xuduudda Labada dal.

Isku duwaha dhanka ammaanka Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya Mohamed Salah, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan isfahanka dhexmaray labada dowladood, wuxuuna shacabka Mandhera iyo Baled Xaawo ugu baaqay inay soo celiyaan walaaltinimadooda.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayuu sheegay iney kulmi doonaan, islamarkaana ay go’aan siyaasadeed kasoo saari doonaan.

COMMENTS
Latest News