Maalmahanews.com
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inay joojiyeen wada hadaladii kala dhaxeeyay dowladda Somaliya
March 26, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay iney joojiyeen wada hadalladii kala dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu ballansanaa iney dib uga bilowdaan dalka Jabuuti.

Biixi ayaa tilmaamay in sababta ay u joojiyeen wada hadalladan ay tahay dowladda federaalka oo weerar ku qaadday Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya oo qorsheysnaa iney bilowdaan 29-ka March waanu joojinnay sababtoo ah xukuumadda Muqdisho ayaaa weerar qaawan kusoo qaaday dalkeenna, nimanka Muqdisho jooga ee weerarka nagu soo qaaday sharciyan caalamka ayaa og inaanu shaqo ku lahayn wixii ay dhisteen…Somaliland marnaba wixii ay dhisanayeen illaa 1991 shaqo kuma lahayn, hadane waa arrin la garan la yahay waxa ay berbera uga taliyaan” ayuu yiri Muuse Biixi.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa tilmaamay in beesha caalamka ay u sheegayaan in dhankooda aanu ka burburin wadahadallada, balse uu dhibka ka yimid dhanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Wixii ka dambeeyay muranka shirkadda DP World, Somaliland ayaa ku celcelisay iney hakisay wadahadalladii ay kula jirtay dowladda dhexe ee dalka.

COMMENTS
Latest News