Maalmahanews.com
HOGAAMIYIHII CATALONIA CARLES PUIGDEMONT OO LAGU XIDHAY DALKA JARMALKA
March 26, 2018 - Written by admin

Maalimahanews: Hoggaamiyihii hore ee gobolka Katalooniya ee dalka Isbeyn Carles Puigdemont ayaa lagu xiray dalka Jarmalka, Axaddi saacadu markey ahayd 11:30 xiliga dalka Jarmalka.
Carles Puigdemont ayaa watey gaari markii la qabanaayey waxaana uu Jarmalka ka galay xuduuda Denmark ay la wadaagaan.
Hoggamiyihii hore ee Katalooniya ayaa khatar ugu jira in lagu xukumo 25 sano oo xabsi ah marka la eego dastuurka dalka Isbeyn.
Maalinta isniinta ayaa lagu wadaa in maxkamad ku taala Jarmalka taas oo ay dhici karto in degdeg loogu gacan geliyo.
Booliska gobolka Schleswig-Holstein ee dalka Jarmalka ayaa xaqiijiyey in ay xireen Carles oo baxsad ku jirey tan iyo markii uu aftidii muranka dhalisey uu ka qabtey Katalooniya kuna dhawaaqey in ay yihiin dowlad ka madax banaan isbeyn. Booliska ayaa sheegay in uu jirey go’aan Midowga Yurub ka soo baxay oo dhigaayey in la xiro.
Mudaaharadyo xoogan ayaa ka bilowdey magaalada Katalooniya oo looga so horjeedo xarigiisa, waxaana ay dalabdeen in la sii daayo maxaabiista siyaasadeed.
Maxkamdda sare ee dalka Isbeyn ayaa amar ku bixisey in la qabto Puigdemont isaga oo maqan, waxaana u horey uga baxsadey dalka Biljimka halkaas oo lagu xiri lahaa.
Gobolka Katalooniya ayaa haysta ismaamul buuxa, goblkaas dadkiisa ayaa kala qaybsan waxaana qayb dooneysaa in ay noqdaan dowlad madax banaan oo ay casima d u tahay magaalada Barcelona.

COMMENTS
Latest News