Maalmahanews.com
Qarax Xoogan Oo Iminka Ka Dhacay Magaalada Moqdisho
March 25, 2018 - Written by admin

Moqdisho (Maalimahanews):- Qarax aad u xoogan ayaa goordhaweyd ka dhacay Isgooska Sayidka ee magalaada Muqdisho, qaraxan ayaana loo maleenayaa in loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa laga arkayaa uuro madow oo ka baxeysa, waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo loo maleenayo in ay ridayaan ciidamada dowlada ee ku sugan isgooskaasi.

Wali lama oga khasaaraha uu geestay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay Isgooska Saidka oo ah halka ay kutaalo xarunta Baarlamaanka, waxaa sidoo kale meel ku dhaw kuyaala Wasaarada Amniga iyo Arimaha gudaha.

 

COMMENTS
Latest News