Maalmahanews.com
Gaari ku qarxay wado Qardo jeex oo ku dhaw Siinka Dheer duleedka Magaalada Muqdisho
March 25, 2018 - Written by admin

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho, gaari ayaa wuxuu ku qarxay meel aan ka fogeyn Koontaroolka gaadiidka ay ka soo galaan Muqdisho ee Siinka dheer.

Gaarigaan ayaa isku dayaayay inuu maro wado qardo jeex ah, isaga oo ka caraaraayay inuu soo maro Koontaroolka, maadaama Siinkadheer gaadiidka si wayn loogu baaro.

Dadkii watay gaariga ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo hadda ay ku baxeen ciidamada dowladda ee joogay Siinka dheer.

Gaariga qarxay oo sida Saraakiisha ay sheegeen rabay inuu soo gala Magaalada Muqdisho, ayaa ku qarxay wadadaasi uu isku dayaayay inuu u soo maro soo galitaanka Muqdisho.

Koontaroolka Siinka dheer ee gaadiidka ay ka soo galaan dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho, ayaa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii Muqdisho qaraxyada ay ku bateen.

Gaarigaan ku qarxay duleedka Muqdisho ee doonaayay inuu soo galo Magaalada, ayaanan la ogeyn rasmi ahaan meesha lagu soo diyaariyay iyo meesha uu bartilmaameedsanaayay intaba.

COMMENTS
Latest News