Maalmahanews.com
Dhacdooyin kala duwan oo ku soo kordhay Magaalada Muqdisho iyo dadka oo si wayn u hadal haya
March 24, 2018 - Written by admin

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo kordhay dhacdooyin ku cusub Bulshada, waxaana dadka ay yihiin kuwa ay si wayn u hadal hayaan sheekooyinka cusub ee Magaalada ku soo kordhay.

Dhacdooyinka cusub ee Magaalada ku soo kordhay ayaa kala ah in wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ay kuu sheegayaan inay jiraan Haween Cirbad ku duraayo dadka Mootooyinka wata.

Cirbadda dadka lagu duraayo ayaa la sheegay inay tahay mid gudbinaysa Virus Aids ah, oo uu qaadayo qofka lagu duro, sida dadka qaar ay sheegayaan.

Sheekadan oo si wayn looga hadal haayo Magaalada Muqdisho, ayaa dad la kulmay dhacdadan waxa ay sheegeen inay sheeko ku maqlayeen arrinta, balse ay si toos ah u arkeen haweenay ciidanka ay qabatay, iyadoo lagu eedeynaayo in Cirbad ay ku durtay qof kale.

Sidoo kale sheekada kale ee ugubka ah ee Muqdisho lagu dhex arkay, ayaa waxaa ka mid ah haween ka shaqeeya ololaha dhanka nadaafadda oo la sumeeyay.

Gudoomiyaha Degmada C/casiis ayaa sheegay inay masuuliyad gaar ah iska saarayaan ammaanka haweenka ka shaqeeya dhanka nadaafadda, kadib markii Khamiistii la sumeeyay haween ku mashquulsan arrintaasi.

Dhacdooyinkaan ku cusub Magaalada Muqdisho gudaheeda ayaa waxaa si way u hadal haayo dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

COMMENTS
Latest News