Maalmahanews.com
Madaxweynihii Hore Ee Masar Maxamed Mursi Oo Mar Kale Xukun Lagu Riday Iyo Danbiyo Kale Oo Hor Leh Oo Lagu Eedeeyay.
December 31, 2017 - Written by admin

mursi-100x70Qaahira-(Maalimahanews)-Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa mar kale lasoo taagay Maxkamad, waxaana lagu eedeeyay Madaxweynihii sida sharciga loo soo doortay in uu aflagaado u geestay Garsoorka dalkaasi.

Maxkamada ayaa Maxamed Mursi ku riday sadex sano oo xabsi ah kadib markii Maxkamada sheegtay in lagu helay dambi ah in uu u gafay aflagaadana u geestay garsoorka Masar.

Waxaa Maxkamada lala soo taagay Madaxweynihii hore ee dalka Masar 21 qof waxaa 19-qof oo dadkaasi kamid ahaa lagu xukumay mid sadex sano oo xabsi ah halka labo ruux oo kalana lagu xukumay in ganaax bixiyaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa horey loogu xukumay 27-sano oo xabsi ah, waxaana horey loogu helay dambiyo ah in uu sabab u noqday in dad la dilo iyo sidoo kale sirta Qaranka Masar wadan kale la wadaagay.

COMMENTS
Latest News