Maalmahanews.com
Akhriste Maxaad Kala Socotaa Ninka Qudha Ee Maraykana Ee U Safri Kara Dalka Kuuriyada Waqooyi.
December 12, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

 Mareykanka ayaa 52 jeer booqday dalka Kuuriyada Waqooyi, kaas oo caawiya dadka tabaaleysan.

Ninkaas ayaa sheegay in xayiraadda socdaalka ee Mareykanka uu saaray maamulka Pyongyang in aysan ka joojin doonin in howlgal gargaar uu ku aado Kuuriyada Waqooyi.

Jerry Hammond wuxuu Kuuriyada Waqooyi u safrayay tan iyo 1995-tii, wuxuuna caawiyaa dadka daawaynaya bukaanada qaba cudurka qaaxada.

Balse, bishii July, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah saartay dadka Mareykanka u dhashay ee u safraya Kuuriyada Waqooyi.

Tallaabadaas ayaa sababtay markii dad u dhashay Mareykanka lagu xiray Pyongyang, qaarna la sheegay in ciqaab xun ay kala kulmeen xabsiyada.

Go’aanka xannibaadda wuxuu dhaqangalay horraantii bishii Sebtembar, wuxuuna fasaxay oo keli ah, dadka sida gaarka ah loogu ogolaaday in ay u safraan gacanka Kuuriya.

Hammond ayaa sheegay in uu bisha Nofembar u safri doono Kuuriyada Waqooyi, inkastoo, safarkaas uu ku wayn karo baasaboorkiisa.

Ninkan 84-jirka ah, oo ku nool hadda Kuuriyada Koonfureed, ayaa dalbaday in loo fasaxo safarka, laakiin jawaab laguma soo celin.

“Haddii aysan jawaab isiin, taa waxaan u qaadanayaa in la ifasaxay,” ayuu yiri.

“Arrintu waxay tahay, haddii aysan rabin in aan safro, waa in ay iisheegaan. Marka, hadaan waxba la iisheegin, waan baxayaa.”

Email jawaab ah oo Waaxda arrimaha dibadda u soo dirtay BBC-da waxay ku sheegtay in “baasaboorka lagala noqon karo qofkii si xun u isticmaala”.
Lahaanshaha sawirka Submitted

“Ayadoo la eegayo xaaladaha safarka, ciqaab dembiyeed ayuu muteysan karaa qofkii qalad sameeya.”

Hammond ayaa Kuuriyada Waqooyi u safra bilaha May iyo Nofembar ee sanad kasta. Wuxuuna sheegay in ujeedadiisu tahay in uu nolol badbaadiyo.

Source-BBC

COMMENTS
Latest News