Maalmahanews.com
Xabbad Beed Ah Oo Aad Ilmahaaga Maalin Kasta Siisaa Waxa Ay Ka Ilaalisaa In Uu Callaan Noqdo Iyo Sababta.
December 10, 2017 - Written by admin

1-4-300x212Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in carruurta yaryar oo maalin kasta la siiyo xabbad beed ahi ay si weyn uga qayb qaadato koritaanka ilmaha lana dagaallanto in ilmaha miisaankiisu ka yaraado inta caafimaad ahaan saxda ah ama uu ku dhaco cudurka gaabnida (Culannimada) keenada oo inta badan sababtiisu tahay nafaqo xumo.

Cilmibaadhistan waxaa sameeyey cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Washington ee dalka Maraykanka, waxa aana natiijadeeda lagu faafiyey Joornaal Maraykan ah oo ka faallooda arrimaha caafimaadka carruurta.

Tijaabo ay xeeldheereyaashu sannadkii 2015 ku sameeyeen carruur u dhalatay dalka Ecuador oo da’doodu u dhexeyso lix illaa sagaal bilood. Carruurtaas kala badh ka mid ah ayaa muddo lix bilood ah maalin kasta la siinayey xabbad beed ah, halka kuwa kalana aan la siinin beed ama cunto beed ku jiro. Natiijada ka soo baxdayna waxa ay noqotay in carruurta ka gaabata dhererka dabiiciga ah ay celcelis ahaan boqolkiiba 47 ku yar tahay carruurta beedka joogto loo siiyo.

Laura Lanotti oo madax u ahayd xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegtay in beedku uu hodan ku yahay nafaqooyin ay lagama maarmaan u ah koritaanka carruurta. Waxa kale oo intaas dheer in uu yahay cunto laga heli karo guud ahaan nafaqada jidhku u baahan yahay isla markaasna aamin ah oo aan raadad caafimaad darro ka tegin.

Dhiiggu waxa uu u qaybsamaa noocyo kala duwan oo asal ahaan afar ah, kuwaas oo kala ah A, O, B iyo AB, waxa aanay saynisyahannadu xaqiijiyeen in noocyadaa kala duwan ee dhiiggu ay ku kala duwan yihiin meelaha uu nooc kastaa u liito iyo in nooc kastaa uu u nugul yahay xanuunno ka duwan kuwa nooca kale u nugul yahay. Tusaale ahaan waxa ay cilmibaadhiso badani daahfureen in ay jiraan xanuunno ku dhici kara dadka leh noocyo gaar ah oo dhiigga ka mid ah laakiin aan ku dhicin nocyada kale, waxa se’ ay isku waafaqeen in nooca dhiigga ee ‘O’ uu yahay ka ugu nasiibka ee marka kuwa kale loo eego aanay jirin xanuunno gaar uu ugu nugul yahay oo badani.

Xaaladaha caafimaad ee la xidhiidha xusuusta iyo maskaxdu waxa ay ku badan yihiin dadka dhiiggoodu uu ‘AB’ yahay oo kuwa noocyada kale ah oo dhan uga nugul sida ay caddaysay daraasad caafimaad oo ay shabakadda wararka ee Alcarabiya ka soo xigatay barta internet ka ee I Believe in Science. Waxa aanay intaas ku dartay in dadka waayeelka ah ee nooca dhiiggoodu yahay ‘AB’ ay dhibaato kala kulmaan waxbarashada iyo dib u xasuusashada waxyaabaha ay soo mareen ama xusuusta mudan, marka la barbar dhigo noocyada kale oo dhan. Halka dadka nooca dhiiggoodu uu yahay ‘A’ ama ‘B’ ay iyaguna ka liitaan kuwa ‘O’ ah, marka laga hadlayo waxbarashada iyo xusuusta, taas oo macnaheedu yahay in in nooca ‘O’ uu yahay kan ugu fiican.

Kansarka caloosha

Dadka nooca dhiiggoodu yahay ‘AB’ waxa ay dadka kale uga nugul yihiin xanuunka kansarka noociisa ku dhaca caloosha, daraado iyo sahamin kala duwan oo lagu sameeyey arrintan ayaa lagu ogaaday in dadka ugu badan ee xanuunkani ku dhacaa ay yihiin kuwa uu dhiiggoodu noocan yahay oo iyagu boqolkiiba 26 ka badan kuwa dhiiggoodu uu ‘O’, ama ‘B’ yahay. Halka dadka nooca dhiiggoodu uu yahay ‘A’ ay u nugul yihiin cudurkan laakiin si ka yar sida ay ugu nugul yihiin dadka ‘AB’ ah.

Wadne Xanuunka

Dadka nooca dhiiggoodu uu ‘O’ yahay ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwa ugu nasiibka badan dhinaca wadne xanuunka, maadaama oo ay noocyada kale oo dhan boqolkiiba 23 kaga yar yihiin cudurkan.

Cilmibaadhis ay faafisay kuliyadda Caafimaadka dadweynaha ee jaamacadda Harvard ayaa lagu ogaaday in dadka nooca dhiiggoodu yahay ‘AB’ ama ‘B’ ay yihiin kuwa ugu badan ee ay ku dhacaan cudurrada wadnaha ku dhacaa, sababta ayaa ay saynisyahannadu ku sheegeen in ay dadkan uu ku badanyihiin boogaha iyo nabarrada jidhka gudaha kaga samaysmaa.

Kansarka ganaca

Dadka nooca dhiiggoodu uu ‘O’ yahay ayaa la ogaaday in ay yihiin kuwa ugu nasiibka badan ee noocyada kale oo dhan kaga yar cudurka kansarka noociisa ku dhaca ganaca. Maxadka Qaranka ee daraasaadka Kanskar ee dalka Maraykanka ayaa  Cilmibaadhiso uu sameeyey ku ogaaday in dadka nooca dhiiggoodu ‘O’ yahay ay boqolkiiba 37 noocyada kale ee dhiigga oo dhan kaga yar yihiin cudurkan.

Laakiin waxa ay saynisyahannadu caddeeyeen in dhibta ugu badan ee dadka dhiiggoodu ‘O’ yahay waajahaan ay tahay nugayl xad dhaaf ah oo ay u nugulyihiin buurnida, sidaa awgeed dadkan gaar ahaan kuwa ‘O+’ ah waxaa ku waajib ah in ay si joogto ah uga taxaddaraan korodhka miisaankooda, isla markaana ay joogto ka dhigtaan jimicsiyada lagama maarmaanka ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku taliyeen in maadaama oo dadka nooca dhiiggoodu yahay ‘O+’ uu miisaankoodu si dhaqso ah u kordho, ay waajib ku tahay in ay ka feejignaadaan cuntada ay cunayaan, iyaga oo ku dadaalaya in ay cunaan cuntooyinka fudud ee ay tamarta oo keliya ku ilaashanayaan, isla markaana la ogyahay in ay jidhka si fudud uga bixi karto, gaar ahaan shaqada jidheed iyo maskaxeed ee maalintii uu qofku qabanayaan ay gubi karto.

Waxa kale oo dadka dhiiggoodu ‘O+’ yahay lagula taliyey in ay cuntada si fiican ugu fadhiistaan si aad ahna u calaaliyaan.

Dadka dhiiggoodu ‘O+’ yahay waa in ay iska jiraan in go’aamada waaweyn qaataan ama lacag bixiyaan marka cadaadis ama cagajuglayn lagu saaro ee aanay niyaddoodu diyaarka u ahayn. Waxa kale oo iyaduna dadka dhiiggoodu noocan yahay ku waajib ah in ay ka dheeraadaan cabbitaannada leh maadadda Kaafiyeenta (Caffeine) maadaama oo ay maadaddani aad u kordhinayso heerka hormoonnada Adrenaline iyo Noradrenaline oo labaduba keena khataro caafimaad oo wadnaha u badan.

Source-GSK

COMMENTS
Latest News