Maalmahanews.com
Tareen ula Anbadey Rakaabkii Jiho aan aheyn Halkii ay u Socdeen,Maxaase…
November 29, 2017 - Written by admin

VFRKoox beeralay ah oo dalka Hindiya u dhashay ayaa sheegay in markaliya ay
ku baraarugeen in tareenkii ay saarnaayeen u geeyay masaafo 160km ah oo
aanan ahayn halkii ay u socdeen.

Illaa 1,500 beeralay ah ayaa u socday gobolka galbeedka ah ee
Maharashtra iyaga oo ka soo laabtay mudaaharaad ay kaga qeybgalayeen
magaalada Dehli.

Balse saacado kadib ayay ogaadeen in tareenka ay saaranyihiin uusan
marin waddadii lagu heshiiyay, kuna socdo mid qaldan oo jiho kale ah.

“Waxaan safarka bilownay saacadda markii ay ahayd 10pm, waxaanan
gaadhnay gobolka Uttar Pradesh saqdii dhexe. Markii ay ahayd 4am ayaan
ogaanay in aan joogno gobolka bartamaha ee Madhya Pradesh, taas oo aanan
ahayn halkii aan ku heshiinay in uu maro tareenka” ayuu yidhi Sagar
Shambhushete oo BBC-da la hadlay.

Wuxuu intaas ku daray in ay tareenka joojiyeen, cabashana ka muujiyeen
waxa dhacay.

“Nolosheena halis ayay ku jirtay, sababtoo ah shil ayaa dhici karay
maadaama waddo qaldan aan ku soconay” ayuu intaas ku daray.

Balse shirkadda tareenka ayaa sheegtay in nafta beeralayda aysan marnaba
halis ku jirin, waxayna intaas ku dartay in tareenka uu maray waddadii
markaas u haboonayd, taasna aysan dhib ku sugnayn.

Balse ma ahan markii koowaad oo tareen hindiya uu maro waddo aanan loogu
talogalin.

Todobaadkii hore tareen cilad ku dhacday ayaa bareegga goostay, wuxuuna
iska ordayay masaafo dhan 13 km si iskiis ah ka hor intii uusan
qaboobin. Wadihii tareenka ayaa ku ceydhsanayay mooto si uu u gaadho.

Wax shil ah ma uusan dhicin kadib markii saraakiisha tareenada ay
wargaliyeen tareenadii kale ee wadadaas ku soo aaddanaa.

Sanadkii 2011-kii dad gaadhaya 1,000 oo u socday in ay ku soo
cibaadeystaan magaalada Varanasi ayaa ka warheley iyaga oo ku sugan
boosteejo tareen oo 260km u jirta halkii ay ku socdeen.

Shirkadda tareenada ayaa saxday qaladkii dhacay, dadkiina geysay halkii
ay u socdeen. Ma uusan dhicin wax shil ah.

COMMENTS
Latest News