Maalmahanews.com
Dhallinyarada KULMIYE oo Barmaamij-siyaasadeedka xisbiga u Bandhigay Bulshada Degmada Laasgeel
October 13, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Dhallinyarada KULMIYE oo Barmaamij-siyaasadeedka xisbiga u Bandhigay Bulshada Degmada Laasgeel
————————————————————————-
Dacar-budhuq (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Dhallinyaro ka tirsan xisbiga KULMIYE oo qayb ka ah xooggaga xisbiga ee wada hawlaha dardargelinta ee uu xisbigu ugu diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada, ayaa bulshada ku dhaqan degmada Laasgeel ee Gobolka Maroodi-jeex u soo bandhigay barmaamij-siyaasadeedka KULMIYE ku maamuli doono dalka.
Dhallinyarada KULMIYE oo socdaal ku tagay deegaannada degmada Laasgeel, ayaa kulan ballaadhan oo ay qaybaha bulshada ee waxgaradka, waayeelka, haweenka iyo dhallinyarada kula qaateen magaalada Dacar-budhuq waxay kula wadeegeen qorshayaasha iyo hiigsiga u yaal xisbiga KULMIYE ee Murrashaxiisa Madaxweynaha Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu ku doonayo inuu ku hoggaamiyo waddanka si uu halkaasi uga sii socdo horumarka dalka ee xisbigu hore u bilaabay.
Xubno ka mid ah dhallinyaradu waxay halkaasi qodob qodob u dul istaageen guud ahaan toddobada tiir ee uu ka koobanyahay Barnaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga KULMIYE.
Ugu dambayntiina waxa dadweynaha degmada Laasgeel la qaateen dhallinyarada xisbiga KULMIYE inay dooranayaan Murrashaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Image may contain: 5 people, people standing
Image may contain: 1 person, drink
Image may contain: 9 people
Image may contain: 1 person

COMMENTS
Latest News