Maalmahanews.com
Xiisad ka dhalatay Doorashada ku celiska ee dalka Kenya oo ka taagan dalkaasi
October 12, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Waxaa weli qeybo kamid ah dalka Kenya ka socda mudaharaadka ay dhigayaan taageerayaasha mucaaridka ee NASA oo hogaamiyahooda Raila Odinga Salaasadii sheegay inuusan ka qeyb qaadan doonin doorashada dhici doonta 26ka bishan Oktoober.

Arrinta ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Arbacadii shalay uu Baarlamaanka Kenya ansixiyey sharci cusub ee Doorashooyinka, kaasi oo qeexaya in murashaxii ka hara tartanka ay micnaheeda tahay in murashaxa soo haray uu si toos ah ugu guuleysanayo doorashada.

Sharcigan cusub oo uu Baarlamaanka u badan xildhibaanada xisbi Xaakimka Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee Jubilee ayaa ah mid ay mucaaridka si weyn uga soo horjeedaan, balse Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay inuu diyaar u yahay doorashada 26ka Oktoober.

Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay go’aankii lama filaanka ahaa ee uu ku sheegay in isaga iyo kuxigeenkiisa Musayoko aysan ka qeyb geli doonin tartanka doorashada labaad ee la qorsheeyey inay dhacdo 26ka Oktober. Wuxuuna ka gadooday in aan waxna laga bedalin guddigii doorashooyinka IEBC oo uu sheegay inay horey u musuq maasuqeen codbixintii kowaad ee dhacday 8dii bishii Agoosto oo ay maxkamada sare laalshay.

COMMENTS
Latest News