Maalmahanews.com
Maareeyaha Shirkada eDahab oo Tababar Kor Loogu Qaadayo, Shaqaalaha eDahab iyo Somtel ee Gobalada Nugaal iyo Mudug u Soo Afmeeray
October 11, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

 

 

 

(

 

 

(Maalimahannews)  11 Octoer  2017:    Maareeyaha Shirkada  eDahab  Mr. Fuaad Axmed  Nuux, ayaa usoo Xidhay Maanta Tababarkii Shaqaalaha  iibka iyo Daryeelka  Macmiilka  eDahab iyo Somtel ee gobolada  Nugaal iyo Mudug, Aqoon iswaydaarsigan oo aha mid aad  xiiso, badan, isla markaana ahaa mid aqoon iyo Waayo aragnimo badan lagu kala faaidaystay, sidii kor loogu  Qaadi lahaa adeegga daryeelka  Macmiilkaa, ayaa   Halkaa Waxaa  si faah faah san ugu sharaxay,  Shaqaalaha  Maareeyaha Shirkada eDahab  Mr Fuaad Axmed  Nuux isagoo sharaxay isxla markaana ka hadlay,  Qiimaha iyo sharafta uu macmiilku ka mudanyahay shirkada , Waxaanu halkaa  ku gudoonsiiyey  Shahaado sharafyo, Shaqaalihii ugu Fircfircoonaa  Shirkada isla markaana ku guulaystay, inay Adeega macmiilka  ugu shaqeeyaan si hufan.

Maareeye Fuaad Waxaa kale, oo   Madashaa ka  Sheegay inay Shirkadu Qiimayn Doono,  Macmiilka ugu Wanaagsan isla markaana ay abaal marino  siindoonto, isagoo balan qaaday inay samayn doonaan  barnaamijyo, ay ku  kasbandoonaan  Macmiilo farabadan oo lagu tartami doono, abaalmarinta ay bixin doonaan.

Waxaa kale oo uu Mr. Fuaad ku dhiiri galiyey, shaqaalaha inay  si libin laabaan  Raaligalinta macmiilka iyo kawarhayntoodaba,  isagoo ku dhiiri galiyey inay fiiro gaar ah, sida ay  shaqaaluhu ugu kala furfuranyihiin, macaamiisa.

Gababgabadii  Wuxuu Maareeye fuaad  ku soo gunaaday, hadalkiisa,  isla markaana uu  shaqaalaha eDahab iyoSomtelba ku booriyey inay  kasbadaan macaamiisha, dareeylaaana, si loogaadho hadafka mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News