Maalmahanews.com
Dalka Liberia Waxaa Bilowday Tirinta Codadkii La Dhiibtay
October 11, 2017 - Written by Maxamed Sulayman
Hargeysa(Maalimahanews)Oct.11,2017- Dalka Liberia waxaa bilowday tirinta codadkii la la dhiibtay. Iyadoo ay noqonayso xil isku wareejintii ugu horaysay ee dimoqraadi ah ee dalkaasi ka dhacda mudo todobaatan sano ka badan.

 

Inkastoo qaladaad ay dhaceen haddana gudiga doorashooyinka waxay sheegeen in si wanaagsan ay wax u socdaan.

 

Tirida dadka u soo baxay doorashadan ayaa aad u badan. Haweeneyda xilka ka sii dagaysana waxay ku baaqday in si nabad ah loo codeeyo.

 

Labaatan musharax ayaa ku tartamaya doorashadan. Waxaa ka mid ah ciyaaryahan hore George Weah.

 

Waxaa lagu tilmaamay George Weah inuu tartankiisu aad u xoogan yahay marka loo eego musharixiinta.

 

Natiijada in si dhaqso ah loo shaaciyo ayaa waxaa dib u ridi kara wadooyinka oo aad u liita.

 

Haweeneyda xilka ka sii dagaysa Sirleaf ayaa xafiiska qabatay sanadii 2003-da.

 

Waxaana berigaasi dalka Liberia ka dhamaaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi baabi’iyay.

 

COMMENTS
Latest News