Maalmahanews.com
Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta reer DILA oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Murrashaxiinta KULMIYE 
October 7, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta reer DILA oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Murrashaxiinta KULMIYE
—————————————————————————————-
Dila (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Madaxdhaqameedka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta degmada Dila ee Gobolka Awdal, ayaa hadhimo-sharadeed ku maamuusay murrashaxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maalmahan hawlo shaqo ku joogay gobolkaasi.

Munaasibadda hadhimo-sharafeedka oo ka dhacday duleedka Bari ee magaalada Dila, ayaa waxa murrashaxiinta KULMIYE ku wehelinayey wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan, kuwaas oo kala qaybqaatay casuumadda lagu sharfay murrashaxiinta KULMIYE.

Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxay hadhimada ka hor shir waqti dheer qaatay la yeesheen waxgaradka, cuqaasha, salaadiinta iyo siyaasiyiinta deegaanka Dila, waxaana halkaas si qoto dheer loogu faaqiday sidii ay shacabka reer Dila u taageeri lahaayeen murrashaxiinta KULMIYE ugu sharraxan Madaxweynaha iyo Madaxweye-ku-xigeenkiisa.

Dhankooda Cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo haldoorka degmada Dila ee shirka ka qaybgalay ayaa muujiyey sida ay u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaanay shaaca ka qaadeen inay codkooda iyo cududoodaba u huri doonaan sidii uu KULMIYE guul uga soo hoyn lahaa doorashooyinka soo socda.

Murrashaxiinta KULMIYE, ayaa iyaguna warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha qorshayaasha xisbiga ee hawlaha doorashada iyo nidaamka maamul ee ay doonayaan inay hirgeliyaan la wadaagay waxgaradka iyo madax-dhaqameedka reer Dila, iyagoo sidoo kalena si hufan u dhegaystay tabashooyinka ay shacabka degmadu qabaan iyo baahiyaha gaarka ah ee ay doonayaan in wax lagala qabto oo ay murrashaxiintu u ballanqaadeen inay si degdeg ah wax uga qaban doonaan haddii ay doorashada soo socota ku guulaystaan.

Kulanka ay waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta degmada Dila la yeesheen murrashaxiinta KULMIYE, ayaa guul ku soo dhammaaday, waxaana lagu ballamay in la garab galo dadaalka xisbiga KULMIYE ugu jiro inuu mar labaad talada dalka ku guulaysto.

Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and indoor
Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting and hat
Image may contain: 7 people, people sitting and table

COMMENTS
Latest News