Maalmahanews.com
Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Hindiya, ayaa Arbacadii kala saxeexday heshiis kor loogu qaadayo iskaashiga labada waddan, siday faafisay Newindian Express.
October 6, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Jabuuti(Maalimahanews)Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Hindiya, ayaa Arbacadii kala saxeexday heshiis kor loogu qaadayo iskaashiga labada waddan, siday faafisay Newindian Express.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhigiisa Hindiya, Ram Nath Kovind, ayaa ku heshiiyay inay yeeshaan iskaashi adag oo la xidhiidha arrimaha dibadda.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen qoddobo ku wajahan inay iska kaashadaan ilaalada baddaha iyo faa’iidaysiga Tamarta.

Madaxweynaha Hindiya wuxuu uga ku ammaanay madaxweynaha iyo dawladda Jabuuti sidii ay  wax ula qabatay dadka u dhashay waddankiisa ee ka soo baxay dalka dagaalku ka socda ee Yemen.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo dhaweeyay isla markaana si diiran

ugu qaabilay xafiiskiisa madaxweynaha Hindiya oo booqasho taariikhiya oo afar maalmood qaadatay ku yimid Jabuuti.

COMMENTS
Latest News