Maalmahanews.com
XUKUUMADDA SOMALILAND OO MAMNUUCDAY IN 3 SANNADOOD LAGU KOOBO  WAXBARASHADA DUGSIGA  SARE
September 13, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Hargeysa (Maalimahanews.com)- Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  shaacisay inay ka joojisay dugsiyada gaarka ah qaarkood  dhaqan ay  waxbarashada dugsiga sare ku soo koobeen  saddex sannadood oo kaliya.taasi oo dhaawac ku ahayd  siyaasadda tacliimeed ee dalka.

Sidaasna waxa   caddeeyay Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, Axmed Abokor Maxamed, waxaannu  intaas ku daray  in dugsiyada siyaasadaas ku shaqeyn jiray aanay ardaydoodu u fadhiisan doonin wax imtixaan ah.  “Wasaaradda waxbarashadu waxay innoo jeexday nidaam cad oo ah qaabka waxbarashada dugsiyadeenna Hoose/dhexe waa siddeed sannadood, dugsiyada sarena waa afar sannadood  sidaas ayaana siyaasadda qaranka ee wasaaradda waxbarashada ku qoran, laga bilaabo maantana lama aqbali doono  dugsi sare oo saddex sanno lagu dhameeyo, imtixaan laga qaadi doonaana ma jiro ardaygii dugsi noocaas u shaqeeya  ka soo baxa, markaa waalidka, macalimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada gaarka ah, waxaannu leenahay ardayda ha khasaarinina, qarankana  dhib ha u horseedina,”

COMMENTS
Latest News