Maalmahanews.com
Madaxweynaha Brazil oo dhaliilay waaxda caddaaladda
September 13, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Michel Temer ayaa ah madaxweynaha ugu shacbiyad hoose ee Brazil soo mara muddo tobannaan sano ahLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMichel Temer ayaa ah madaxweynaha ugu shacbiyad hoose ee Brazil soo mara muddo tobannaan sano ah

Madaxweynaha dalka Brazil, Michel Temer ayaa waaxda cadaaladda ee dalkiisa ku eedeeyay in eedaymaha loo soo jeediyay ee musuqmaasuqa ay u adeegsanayso in ay ku burburiso sharaftiisa.

Hadalka Temer ayaa yimid saacado uun ka hor markii maxkamadda ugu sarraysa caddaaladda ay fasaxday in madaxweynaha lagu sameeyo baaritaan cusub oo musuqmaasuq.

Madaxweynaha iyo siyaasiyiin kalaba waxaa hadda ku sii socday baaritaanno kale oo musuqmaasuq.

Xafiiska madaxweyneTemer oo warka ka soo hormariyay go’aanka maxkamadda ayaa dhaliilay baaritaanka cusub musuqmaasuqa.

Baaritaanka musuqmaasuq ee ugu wayn dalkaas ayaa wadanka dhexdiisa laga dhahaa Operation Car Wash, waxaana lagu sheegay musuqmaasuq meeshii ugu sarraysay gaaray.

Dadka baaritaanka lagu hayo muddada saddexda sano ah waxaa ka mid ah, labo madaxweyne oo hore.

COMMENTS
Latest News