Maalmahanews.com
Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya Dhiibistii Qalbi Dhagax
September 13, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa maanta xaruntooda ku yeelanaya kulankii caadiga ahaa, waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan arrinta Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Arrinta Qalbi-dhagax ayaa noqotay mid hareysay ajendayaasha labada aqal maalmihii ugu dambeysay, waxaan la filaa in maanta la guda-galo kadib markii uu Sabtidii baaqday.

Aqalka sare ayaa Isniintii go’aamiyay in ay dib-u-dhigaan ka doodista arrinta Qalbi-dhagax, kana war sugaan go’aanka iyo waxa ka soo baxa golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa wuxuu sheegay in Ajandaha Golaha Shacabka ay tahay doodaasi ee Qalbi Dhagax.

Baarlamaanka Somaliya dooda maanta ay yeelanayaan ayaa si wayn isha loogu haayaa, waxa ka soo bixi doona, iyadoo arintaan culeys ku tahay Xukuumadda Somaliya.

COMMENTS
Latest News