Maalmahanews.com
WAA MAXAY SABABTA WARIYAHAN RUUG-CADAAGA AHI KU DOORTAY XUSBIGA KULMIYE + MUUQALADA EEDIHII WADDANI IYO JAWAABTI SUXUFIGA
September 12, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

 Hargaisa:(Maalimahanews) Wariyihii hore ee BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga Yoonis Cali Nuur oo iminka La-taliye sare u ah Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa difaacay taageeradiisa Xisbiga KULMIYE oo uu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI eeddeeyey.

Yoonis Cali Nuur oo ka Jawaabay Eedeymo Mucaaridku u jeediyeen….

Wariye Yoonis Cali Nuur

“Kulmiye waxaan ku taageeray isku mabda’ ayaanu nahay oo waxa naga dhexeeya ujeeddadii dalka loo xoreeyey iyo halgankii SNM oo aan u arko inuu yahay xisbi ka dhashay” sidaas ayuu yidhi waraysi uu siiyey Telefishanka Bulshotv Axaddii.

Wariye Yoonis Cali Nuur, waxa uu sheegay inaanu ahayn wariye ka howl-gala Warbaahinta dawladda, balse uu la shaqeeyo Wasaarada Warfaafinta, taasina aanay ka hor-istaagayn taageero Xisbi “Afhayeenka Xisbiga WADDANI eeddeyntiisa waxaan u arkay inaanu xogogaal ahayn, waxay ahayd inuu xog badan raadiyo markuu wax sheegayo” ayuu raaciyey.

Bal Halkan Ka Daawo Muuqalkaasi

Hadaba, Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo Sabtidii la hadlay Warbaahinta, ayaa tiro wariyeyaal ah oo uu Yoonis kamid yahay ku eeddeeyey inay u ololeynayaan Xisbiga Kulmiye, isagoo dhaliilshiisa u dhigay in Xisbiga Kulmiye Dhaqaale badan ku iibisaday Warbaahinta.

Isna Bal Aan Halkan Ka Daawo Muuqalkiisa

COMMENTS
Latest News