Maalmahanews.com
XUSBI TAAGEERADA SHACBIGA SOMALILAND U EHELA HOGAAMIN IYO HIMILO TOOSANA LEH
September 11, 2017 - Written by admin

Hargaisa:(Maalimahanews) Somaliland waxa ay ka mid tahay wadamada uu ka hirgalay dimuquradiyadu ee qaatay ee habka nidaamka asxaabta badan
somaliland waxa ka jira sadex xisbi qaran oo matala Masayrka shacbiga kuwaas oo kala ah.
1.ucid
2.kulmiye
3.wadani
Sadax xusbi oo laba yihiin xusbiyo mucaarida ah oo wadani iyo ucida iyo xusbiga talada haya ee kulmiye
xusbiyadaas oo mid kastaaba leeyahay astaan gaara iyo hogaamiyayaal han hogaamineed oo ay taageerada shacbiga ku kasbadaan ku foogan.
xusbiga talada dalka haya ee kulmiye oo ka mida asxaabta qaranka ee saaxada siyaasada ku loolamaya waxa uu leeyahay oo hiil u ah ama uu weheshadaa taageerada shacbiga somaliland oo u ehel noqotay una suura galisay inuu noqdo xusbiga hogaamiya talada dalka haatan, isla markaana wali ogolaanshaha ama raali ka noqoshada inuu wali ku sii adkaado ama noqdaba xusbiga markale talada dalka gacantiisa ku sii jirto oo ku guulaysta doorashooyinka madaxtooyada ee 2017ka ka dhaci doonta dalka, taas oo sida muuqata ay u suura galinayso waxqabadka dhabta ah ee uu sameeyay intuu uu xusbigani taladu gacantiisa ku jirtay, iyo waliba hogaamiyayaasha mayalka u haya ama hagaya majaraha xisbiga oo iyagu ah siyaasiyiin ruug cadaa ku noqday habka iyo nidaamka ololaha ee kasbashada taageerada dadwaynaha taaso ah ta lagu kala badinayo.


Musharaxa madaxwayne ee xisbiga kulmiye ayaa ah mid markaad eegto dhigiisa tartanka kula jira waxa uu dheer yahay ama uu kaga waayo-aragsanyay waa mudada badan ee uu ku soo jiray siyaasada somaliland marka lagaba yimaad xili halgameedkii oo uu ahaa shaqsiyaadkii hormoodka ka ahaa Ama hagayay ba dagaaladii dalka cadawgii siyaad bare lagaga xoreeyay.
Xusbiga kulmiye oo tan iyo intii somaliland ay ka hirgaleen nidaamka asxaabtu si firfircoon uga dhex muuqday fagaarayaasha siyaasada kuna jili jiray hab ama qorshe siyaasadeed oo si hufan looga fikiray loogana hawl galay ka midha dhalinteeda ilaa uu gaadhay halkii uu u socday oo ah halka uu maanta taagan yahay ee uu uga ariminayo dhamaan dalka somaliland, tiyo uu mar labaad iyo mar sadexaad ba leeyahay qorshihii iyo siyaasadii uu ku sii haysan karo taageerada dadwaynaha, oo ah ta keenta hanashada hogaaminta dalka.
Akhriste maaha mala awaal waa waaqica dhabta ah ee yaala dalka kana muuqda goobaha ama fagaarayaasha lagu falanqeeyo cududaha taageero ee shacbigu halka ay yihiin ama miisaanka ay u badan yihiin waana mid uu odorasi karo qof wal oo ogaal u ah xaaladaha iyo duruufaha siyaasiga ah ee jira oo shacbigu yihiin kuwo garaad togan ku cabiraya cida sii hagi karta talada dalka, taas oo sida saxda ah jaaniskeedu dul yaalo xusbiga hada talada haya ee kulmiye.

COMMENTS
Latest News