Maalmahanews.com
Puntland oo amar ka soo saartay in aanan la qaban karin Shirar Siyaasadeed ka dhan Maamulka
September 10, 2017 - Written by admin

Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar lagu mamnuucaayo qabashada shirar siyaasadeed oo ka dhan ah Maamulka Puntland.

Amarkaan ayaa wuxuu ka soo baxay Wasaaradda amniga Puntland, waxaana la faray dhamaan laamaha ammaanka Puntland si ay u dhaqangeliyaan.

Hotelada ku yaal Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa looga digay in lagu qabto Shirar Siyaasadeed ka dhan ah Maamulka Puntland, cidii jabisa amarkaana waxaa loogu hanjabay tallaabo sharciga waafaqsan.

COMMENTS
Latest News