Maalmahanews.com
XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA KULMIYE OO BEENIYAY WARAR AY QOREEN WARBAAHINTA QAARKOOD
September 9, 2017 - Written by admin

Hargaisa:(Maalimahanews) Xoghayaha guud ee xisbiga kulmiye Md, Xasan siciid yuusuf ayaa si cad u beeniyay, warar been abuur ah oo lagu baahiyay qaar ka mida war-baahinta maxaliga ah ee somaliland iyo baraha bulshada ee internate ka.

Wararkaas oo lagu sheegay in khilaaf u dhaxeeyo Xoghayaha guud ee xusbiga kulmiye iyo Gudoomiyaha xusbiga Kulmiye Md, Muuse biixi cabdi ahna musharaxa jagada madaxwayne ee xisbiga.

War-saxaafadeed kooban oo xaghayaha guud soo saaray maanta oo jimco ah 08/09/2017 Md, Xasan siciid oo war-saxaafadeedkaa warbaahinta u gudbiyay, isla markaa uu ku daabacay baraha uu ku leeyahay Tweeterka iyo Facebook waxa uu ku sheegay in aanay jirin wax khilaafa ah oo u dhaxeeya isaga iyo gudoomiyihiisa, haba yaraatee.

Waana been aan sal iyo raad toona lahayn iyo dacaayad raqiis ah, wararka lagu baahiyay qaar ka mida ah warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshada ee internate ka ee u jajaban baahinta been abuurka iyo dacaayadaha war xumo tashiika ah ee goor iyo ayaan ay ka baahiyaan masuuliyiinta, Ayuu yidhi Xoghaye Xasan siciid.

COMMENTS
Latest News