Maalmahanews.com
Wada Hadalkii U Socday Dawlada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Oo La Filayo Inuu Barri Ka Furmo Magaalada Caynaba Iyo Labadii Guddi Oo Caynaba Ku Wada Sugan Xalayna U Hoyday
September 9, 2017 - Written by admin
Hargeysa(Maalimahanews)September.9,2017-Wararka saaka naga soo gaadhaya magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar soona gaadhaya Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in maalinka Barri ah la filayo in magaalada Caynaba uu ka furmo wajigii Shanaad ee wada hadaladii u socday dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.

Waxaana xoguhu noo sheegeen in guddiyadii labada dhinac ee dawlada Somaliland iyo kooxda khaatumo u qaabilsanaa wada hadaladaasi ay xalay u hoydeen magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar,waxaana lagu wadaa in maalinka barri ah uu si rasmi ah uu magaalada Caynaba uga furmo wada hadaladaasi.

Guddiga Somaliland u qaabilsan wada hadaladaasi ayaa dorraad ka amba baxay magaalada Hargeysa iyaga oo wakhti xaadirkan ku sugan magaalada Caynaba,sidoo kalena guddigii kooxda Khaatumo u matalayay wada hadaladaasi ayaa iyaguna naloo sheegay inay xalay soo gaadheen Caynaba una hoydeen.

Gabagabadiina dhawaan ayay ahayd kadib markii wajigii afaraad ee wada hadaladaasi uu kusoo gabo gaboobmay magaalada Hargeysa isla markaana laga soo saaray 10 qodob oo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

COMMENTS
Latest News