Maalmahanews.com
MUSHARAXA XUSBIGA KULMIYE OO CAAWA SUUQA MAGAALADA GABILAY SI KADISA LOOGU ARKAY ISAGOO MAQAAXI KA SHAAHAYNAYA IYO BULSHADII OO KU SOO XOONTAY
September 9, 2017 - Written by admin

Hargaisa:(Maalimahanews) Gudoomiyaha Xusbiga Kulmiye ahna musharaxa xusbigaas Mujaahid, Muuse biixi cabdi oo caawa booqasho kadis ah ku tagay Suuqa wayn ee faras Magaalaha Gabiley.

Socod lug ahna ku dhex maray suuqaasi, oo Dareen farxadi ku gadaamantayna ka muuqato ayaa shacbiga magaaladu markii ay ka war heleen ay ku soo urureen isla markaana jawi qurux badan oo bulshada magaalada gabinlay iyo musharaxa kulmiye ba raaligaliayay ay halkaas ku kulansadeen.

Intaa kadibna meel maqaaxiya uu musharaxu kala shaaheeyay bulshada reer gabilay kadibna halkaas hadalo iyo kaftan ba uu dhex maray musharaxa iyo bulshadii ay goobta ku kulmeen ba.

Booqashadan oo ay si wayn ugu diirsadeen Dadweynaha ku Ganacsata gudaha Magaalada Gabiley, Kadib Wafti uu hogaaminayo Musharaxa Kulmiye oo maalintii 4aad hawlo shaqo u jooga Deegaanada hoos yimaada Gobolka Gabiley, ayaa magaalada gabilay saamayn togan ay ku yeelatay dhanka ganacsiga oo ay suuqyadii wax kala iibsigu noqdeen kuwo xawli ku shaqeeyay taasina ay tahay mid ay si diiran ama niyadsamaana ugu farxeen ganacsatada meherad layda ah ee reer gabilay

Sidoo kale caawa Gudoomiyahu wuxuu booqday goobaha ay bulshadu ku kulanto; Halkaas oo uu kula shaaheeyay, Layskuna xog waraystay. Maqaaxida BOOKH RESTAURANT GABILEY.

COMMENTS
Latest News